HORDHAC: Manchester United v Brighton

HORDHAC: Manchester United v Brighton

Sabti, Janaayo, 19, 2019, (HNN) Manchester united ayaa marti galineysa Brighton kulamada 23-aad ee Premier League todobaadkan.

Kooxda Solskjaer ayaa adkaatay shan kulan xariira horyaalka, inkastoo ay kooxda ay wajahaan ay gaarsiisay guuldarradii ugu horreeysay horaankii kal cayaareedkan markii looga badiyay 3-2.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 06:00 pm ( SGA )

Garsooraha: Paul Tierney

Garoonka: Old Trafford

Wararka Kooxaha

Alexis Sanchez ayaa la filayaa inuu taam noqdo si uu wajaho Brighton kaddib dhaawac yar uu qabay.

Eric Bailly ayaa la heli karaa kaddib ganaax uu ahaa kulamadii dmabe laakiin Marouane Fellaini ayaa qaba dhaawac kubka ah isagoo kula biiray liiska kabashada Chris Smalling iyo Marcos Rojo.

Laacibka qadka dhexe Brighton Yves Bissouma ayaa la qiimeyn doonaa, markii uu seegay kulankii todobaadkii hore guuldarrada kasoo gaaray Liverpool sababo la xariira dhibaato sinta ah.

Dambeedka bidix Bernardo iyo xiddiga garabka ka cayaara Jose Izquierdo ayaa weli ku maqan dhaawacyo muruqa iyo jilibka ah.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

United ayaa marnaba qasaaro garoonkeeda kala kulmin Brighton (8 guul, iyo 2-bar-baro) waxay adkaatay afartii kulan ee lasoo dhaafay oo ay ku dheeleen Old Trafford  iyaga oo aan gool laga dhalin.

Yeelkeede, Seagulls ayaa guuleysatay labadii kulan ee u dambeysay waana: 1-0 iyo 3-2 kulamo ka dhacay garoonkooda bilihii May iyo August ee sanadkii hore.

Brighton ayaa laga yabaa iney noqoto kooxdii u horreysay ee seddax kulan oo xariira guul ka gaarta Manchester United tan iyo Swansea in 2014-15.

Ole Gunnar Solskjær ayaa laga yabaa inuu bar-bareeyo waqtiga ugu dheer ee guulaha xariira kulamada ugu horreeyay Premier League oo ay hore u sameeyeen Carlo Ancelotti oo Chelsea leyliyyay 2009 iyo Pep Guardiola oo Manchester City 2016.

United ayaa laga yabaa iney dhaliyaan seddax gool iyo wax ka badan afar kulan xariira garoonkooda kulamada horyaalka markii u horreysay tan iyo bishii September 2011.

Brighton ayay soo gaartay guuldarradii u horreysay shan kulan kaddib dhammaan tartamada kulankii Liverpool ee waqtigii u dambeeyay (2-guul, iyo 2 bar-baro).

Qasaaro kasoo gaarta United ayaa noqon doonta guuldarradoodii 100-aad ee cayaaraha sare horyaalka ay la kulmaan.

Shaxda Macquulkaa

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.