HORDHAC: Real Madrid v Sevilla

HORDHAC: Real Madrid v Sevilla

Sabti, Janaayo, 19, 2019, (HNN) Real Madrid ayaa kulan adag marti qaadeysa naadiga Sevilla kulamada wajiga labaad ee horyaalka La Liga ama cayaaraha 20-aad ee todobaadkan.

Los Blancos ayaa guul dirqi ah gaartay asbuucii hore waana guushoodii u horreysay ee sanadkan cusub markii ay ku bilaawdeen natiijooyin wareer ah.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 06:15 pm ( SGA )

Garsooraha: Antonio Miguel Matéu Lahoz

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wararka Kooxaha

Lucas Vazquez ayaa kusoo laabanaya garba midi gee weerarka kaddib markii uu soo qaatay kulan ganaaxa.

Sergio Reguilon ayaa la filayaa inuu kasii heysto booska daafaca bixid Marcelo markale.

Dani Ceballos ayaa laga yabaa inuu kusoo bilaawdo qadka dhexe, halka Karim Benzema uu shaki ku jiro kaddib markii uu farta ka jabay kulankii Real Betis.

Isco ayaa markale ku fashilmay inuu helo fursad uu isku muujiyo bartamaha asbuucii hore iyadoo laga yaabo in kedka la dhigo asbuucan.

Franco Vazquez iyo Daniel Carrico ayaa labaduba kasoo laabtay ganaax waaxna la filayaa iney dib ugu soo laabtan kooxda martida.

Roque Mesa ayaa ku maqan ganaax, taasoo la micno tahay in Vazquez uu qadka dhexe la wadaagi doono Ever Banega.

Soo laabashada Carrico ayay suuragal tahay inuu kedka u dhaadhiciyo Joris Gnagnon.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Real Madrid ayaa badisay sagaalkii dheel ee u dambeysay horyaalka oo ay la dheeshay Sevilla garoonka Bernabeu – waa waqtigoodii ugu dheeraa oo ay guushaas tartanka horyaalka ka garaan – waxay ka dhaliyeen celcelis ahaan 3.7-goolal ah.

Labada koox ayaa bar-baro galin mid kasta oo kamida 27-kii dheel ee u dmabeysay oo La Liga kulameen,guud ahaan dhanka kale, 16 waxaa guuleysatay Madrid iyo 11 Sevilla mudadaas.

Los Rojiblancos guushii u dambeeyay oo ay horyaalka kaga bagaareen Madrid garoonkooda wuxuu ahaa bishii December 2008 markaa oo ay uga badiyeen 4-3 waxaana xilligaa Los Blancos maamulayay Bernd Schuster kulankii u dambeeyay oo ay qasaaro kala kulmeen Sevilla.

Shaxda Macquulkaa

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.