Luis Suarez oo ka mid noqday shanta xiddig ee ugu goolasha badan taariikhda Barcelona,

Luis Suarez oo ka mid noqday shanta xiddig ee ugu goolasha badan taariikhda Barcelona,

Isniin, Janaayo, 21, 2019, (HNN) Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa tiigsanaya maqaam sare oo dhanka goolasha Barcelona ah.

Goolkii uu ka dhaliyay Leganes ayaa ahaa goolkiisii 167-aad ee uu Barcelona u dhaliyo dhammaan tartamada, iyadoo ay ku qaadatay 223 kullan.

Suarez ayaa barbarreeyay tirada goolasha ee uu Josep Escola u dhaliyay Barcelona intii u dhexeysay 1930-amaadkii illaa 1940-amaadkii.

Xilli ciyaareedkiisii 5-aad ee Camp Nou ayuu ku guurray tirada goolasha ee gaarsiisay booska uu hadda ka jiro Barca, waxaana xusid mudan in xagaagii 2014 uu kaga soo dhaqaaqay Liverpool.

Lionel Messi ayaa ah laacibka ugu goolasha badan taariikhda Barcelona, waxaana diiwaanka ugu qoran 577 gool, waxaana kusoo xiga Cesar oo 232 gool leh.

Ciyaaryahanka saddexaad ayaa ah Kubala 194 gool u dhaliyay Barca, halka Samitier uu ansixiyay Blaugrana 184 gool.

Suarez ayaa booska shanaad kula mataanoobay Escola, waxaana ay u wada dhaliyeen min 167 gool.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.