Magacyada & Sawiradda rag lala xiriirinayo weerarkii Nairobi oo la soo bandhigay

Magacyada & Sawiradda rag lala xiriirinayo weerarkii Nairobi oo la soo bandhigay

Isniin, Janaayo, 21, 2019, (HNN) Booliska Kenya ayaa ka codsadey dadweynaha dalkaas inay gacan ka geystaan sidii loo soo qaban lahaa 6 nin oo Kenyan ah, kuwaasoo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Dusit ee magaaladda Nairobi.

Dad ka badan 20 qof ayaa ku dhintay weerarkan oo ay fuliyeen dabley ka tirsan Al-shabaab oo qaraxyo iyo weerar toos ah ku galay hotelka oo dad badan ay joogeen.

Magacyada ragga lala xiriirinayo ee Booliska Kenya baadi goobayaan ayaa lagu kala magacaabaa:-

1- Didu Maxamed Fujija (Duktur),

2- Xuseen Aadan Xuseen (Etto)

3- Qadaafi Munene,

4- Cabdi Cali Kanjora,

5- Boru Cabdi Bidu

6- Ramadaan Waariyo Bonaya “Rasho”.

Sida uu qoray Wargeyska The Standard ee ka soo baxa dalka kenya raggan oo ka soo jeeda Magaaladda Isiolo ayaa Al-Shabaab ku biiray labo sano ka hor, gudaha dalka Kenya ayeyna haatan ku sugan yihiin.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.