Man City oo Guul Raaxo Ah Ka Gaartay Huddersfield.

Man City oo Guul Raaxo Ah Ka Gaartay Huddersfield.

Isniin, Janaayo, 21, 2019, (HNN) Ciyaarta Ayaa Ku Bilaabatay Si Dagan Iyadoo wax Gool Ah Iska Dhalin Waayee 15-daqiiqo Hore Ee Ciyaarta.

18-daqiiqo Marki Ay Soo Gaartay Waxa Hogaanka La Wareegtay Kooxda City, Darbad Uu soo Tuuray Danilo Waxaa Madax Iskaga Dhaliyay Schindler Oo Daafaca kaga Ciyaara Huddersfield.

Qeebta Hore waxaa Lagu Kala nastay 0-1 oo ay ku hogaamineyso kooxda Man City.

53-daqiiqo Ciyaarta waxaa 0-2 ka Dhigay Sterling Kubada Uu Soo Karoosay Sane Ayuuna Madaxa Ku Dhaliyay, 55-daqiiqo Ciyaarta waxa Hogaankeeda Sii Dheereye Sane Kubada Uu Madaxa Ku Caawiye Aguero.

Ciyaarya Ayaa Ku Soo Dhamaatay 0-3 oo ay City Guul Ku Gaartay.

Kooxda City ayaa Noqotay Kooxdi Ugu Horeysay Ee Shanta Horyaal Yurub Ka dhalisa 100-gool Dhamaan Tartanada.

City Guusha ay Gaareen Waxa ay Ka dhigeesaa Kaliya In Ay 4-dhibcood ka hooseeyaan Liverpool oo Horyaalka Hogaamineysa.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.