DEG DEG: Mario Balotelli oo ku biiray Marseille

DEG DEG: Mario Balotelli oo ku biiray Marseille

Arbaco,  Janaayo, 23 ,2019(HNN) Dhaliyaha reer Talyaani ee Mario Balotelli ayaa ka tagay naadiga Nice ee dalka Faransiiska isagoona ku biiray isla kooxda ka dhisan dalkaas ee Marseille.

Weeraryahankii hore ee Milan, Inter Milan iyo Man City ayaa heshiis lix bilood ah inta ka haran kal ciyaareedka ugu biiray kooxda Marseille.

Mario Balotelli ayaa mudadii uu la joogay kooxda Nice u saftay 76 kulan tartammada oo dhan wuxuuna u dhaliyey 43 gool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.