Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada XFS iyo Danjiraha Masar oo kormeeray iskuulka 15 May

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada XFS iyo Danjiraha Masar oo kormeeray iskuulka 15 May

Arbaco,  Janaayo, 23 ,2019(HNN) Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [jaabir] iyo safiirka dowlada Masar u jooga  Soomaaliya Maxamed Ibraahim ayaa maanta kormeeray dugsiga 15 may ee magaalada Muqdisho

Dugsiga 15 may  oo ay gacanta ku heyso dowlada Masar ayaa waxa dhigta in kabadan 400 oo arday Soomaliyeed ah islamarkana ay wax baraan macallimiin u dhalatay dalka Masar.

Wasiiro dowlaha wasaaradda waxbarashada iyo safiirka dowlada Masar u joogo Soomaaliya ayaa la kumay macallimiinta wax bara arday Soomaaliyeed waxana  macalimiinta  ay  soo bandhigeen qaabka ay wax u baraan arday Soomaaliyeed.

Wasiiro dowlaha wasaaradda waxbarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay dowlada Masar dadaalada hormarined ee ay ka wado dalkeena.

” Waxaa muhiim ah inaan ogaano waxbarashada caruurta Soomaaliyeed waxaa bogaadin mudan tayada waxbarsho oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed oo ay siisay dowlada Masar waxaan kala hadlay safiiraka dowlada Masar horumarinta waxbarashada ardey Soomaaliyeed  waxan rajo wanaagsan ka qabnaa anaga oo kaashaneyno dowlada Masar in aan sii horumarin doona waxbarashada ardaydeena”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle( Jaabir)

Danjiraha dalka Masar u fadhiya Soomaaliya  Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar uu ka dhexeeyo xiriir tariikhi ah kaasoo salka ku haya iskaashiga dhinacyada waxbarashada,Caafimaadka,  iyo siyaasadda.

Danjire Maxamed Ibraahim ayaa sidoo kale u mahad celiyay maamulka iyo cid kasta oo tageerta iskuulka 15 May.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.