Faah faahin la xiriirta iska horimaad dhaxmaray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Al-shabaab

Faah faahin la xiriirta iska horimaad dhaxmaray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Al-shabaab

Axad, Janaayo, 27, 2019,(HNN) Ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa iska caabiyay weerar dhabogal ah oo ay xalay ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo Jalalaqsi oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadan weerarka jidgooyada ah lagu qaaday ayaa la sheegay in ay ka soo anbabaxeen dhinaca degmada Jowhar kuna soo jeedeen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan iyaga oo galbinayay gaadiid kale oo ka tirsanaa isla howlgalka midowga Africa AMISOM.

Dagaal culus ayaa la sheegay in uu deegaanka Fiidow ku dhaxmaray ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab, waxaana la maqlayay hub culus oo ay labada dhinac isku weydaarsadeen iska horimaadka.

Ciidamada Jabuuti ayaa markii ugu horeysay u tallaabay dhinaca gobolka Shabeellaha dhexe, iyaga oo halkaa ka soo galbinayay ciidamo kale uu AMISOM ah oo ku soo jeeday dhinaca gobolka Hiiraan.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.