Jordi Alba oo aan meesha ka saarin suurtagalnimada uu ugu biiri karo midkood Manchester United iyo Juventus

Jordi Alba oo aan meesha ka saarin suurtagalnimada uu ugu biiri karo midkood Manchester United iyo Juventus

Axad, Janaayo, 27, 2019,(HNN) Difaaca kooxda Barcelona Jordi Alba ayaa meesha ka saarin suurtagalnimada uu kaga tagayo Blaugrana, xili uu xiiso ka helayo kooxaha Manchester United iyo Juventus, si ay u helaan adeegiisa.

Heshiiska Jordi Alba uu ku joogo kooxda Barcelona ayaa wuxuu dhacayaa June 2020, maamulka Blaugrana ayaa ilaa iyo haatan aanan wali bilaabin wadahadalo ku saabsan heshiis kordhinta 29 jirkan.

Jordi Alba ayaa ka mid ahaa xidigaha ugu muhiimsan kooxda Barcelona sanadihii lasoo dhaafay, laakiin wuxuu qiray in kubada cagta ay wax walba ka dhici karaan, inkastoo uu xusay inuu doonayo in mudo fog uu sii joogo kooxda reer Catalonia.

Hadaba 29 jirkan oo la hadlayay wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu sheegay:

“Marnaba ma ogaan kartid waxa ka dhici doona kubada cagta, laakiin waxaan ku celinayaa inaan doonayo inaan halkaan sii joogo”.

“Waligay kuma aanan fikirin meel ka baxsan Barcelona tan iyo markii aan halkaan imid, riyadeyda waa inaan joogaa”.

“Waxaan halkan ku heystaa qoyskeyga, iyo garab istaagooda, sidoo kale taageerayaasha iyo asxaabteyda, uma maleynayo inaan ku faraxsanaan doono meel kale”.

“Waan ku faraxsanahay halkan tan iyo maalintii ugu horeysay ee aan imid, kooxdu mar walba waxay ku dadaaleysaa ciyaartoyda ay dooneyso in ay sii haysato iyo kuwa ay xiiseeneyso inay soo qaadato”.

“Ma jirto wax cabasho ah ee aan xiligan qabo”.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.