SAWIRO:-Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Nairobi

SAWIRO:-Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Nairobi

Axad, Janaayo, 27, 2019,(HNN) Inta la xaqiijiyay Labo qof ayaa ku dhaawacan tahay Qarax ka dhacay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Magaalada Nairobi ayaa saakay Warbaahinta u xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhacay goob laga raaco gaadiidka oo ku taala Bartamaha Magaalada Nairobi.

Qaraxa ayaa ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in hal mar ay qaraxday si weyna looga maqlay Xaafaddaha qaar ee Magaalada.

Inta badan howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka ayaa Saaka ka socda Magaalada Nairobi.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen hotel ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayna halkaasi ku dileen ku dhawaad 21 qof.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.