SAWIRRO: Wasiirka waxbarashada XFS oo Garoowe uga qeyb galay Bandhigga hiddaha iyo dhaqanka

SAWIRRO: Wasiirka waxbarashada XFS oo Garoowe uga qeyb galay Bandhigga hiddaha iyo dhaqanka

Axad, Janaayo-27-2019(HNN) Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa magaaladda Garoowe uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax ka tirsan maamulka puntland odayaal dhaqameed iyo marti sharafkale oo lagu casumay.

Wasiirka Waxbarashada XFS,Mudane Cabdullaahi Goodax bare ayaa soo dhaweeyay horamarinta bandhigga Todobaadka Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee lagu qabtay Jaamacadda Boosaaso,

“Waxaan magaaladda Garoowe  uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe”ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya markasta waxaa ka go’an in ay kaalin mugleh ka qaadato soo celinta Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed kaas oo micno weyn ugu fadhiya  bulshada Soomaaliyeed.

” Waxaan si gaar u mahad celinayaa intii ka qeyb qaadatay qabsoomidda munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha iyo dhaqanka oo ugu horeyo wasiirka waxbarashada Puntland Abshir, Aw-Yuusuf iyo Nabadoon  Ciise Maxamed’ayuu markale yiri wasiir Goodax.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Faderaalka  Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa tilmaamay in Wasaaradda waxbarashada ay ka go’antahay soo celinta Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.