Guardiola oo tilmaamay waqtiyada ugu adag Premier League, muxuuse ka yiri kulanka caawa ee Everton?

Guardiola oo tilmaamay waqtiyada ugu adag Premier League, muxuuse ka yiri kulanka caawa ee Everton?

Arbaco, Feberaayo, 06, 2019 (HNN)- Macalinka reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa muujiyay sida weyn uu kaga careysan yahay xiliga adag ay ku jirto Sky Blues.

Hadalka Pep Guardiola ayaa wuxuu hadalkiisa imaanayaa xili ay Manchester City caawa ku wajihi doonto kooxda Everton horyaalka Premier League.

Jadwalka ciyaaraha ee kooxda Manchester City ayaa ah mid mashquul badan, kadib markii ay gaareen finalka Carabao Cup, iyo sidoo kale dib u soo laabashada kulamada Champions League, lagu daray kulamada horyaalka, taasoo ka careysiisay tababare Pep.

“Kahor inta aanan imaanin Egland waxay saaxiibadey ii sheegeen xiliga Christmas Day-ga iyo iyo Boxing Day-ga inay ahaayeen waqtiyada ugu xumaa”.

“Kadib tijaabadii aan maray waxaan ku ogaaday in bilaha January iyo February ay ahaayeen kuwa ugu xun horyaalka Premier League”.

Intaas kadib Pep Guardiola ayaa wuxuu ka hadlay kulanka ay caawa kooxda Everton ku booqan doonaan garoonka Goodison Park wuxuuna yiri:

“Garoonka Goodison Park xili kasta way adag tahay ku ciyaaristiisa, balse ujeedkeena waa inaan halkaas aadnaa isla markaana aan u ciyaarno sida aan ku guuleysan lahayn”.

“Inaan guuleysto kulamada oo dhan waa arin aad u adag, laakiin waxaan had iyo jeer la hadlaa ciyaartoyda, waxaan u sheegaa inaysan ilaabin waxa aan anagu nahay”.

“Waxaan nahay koox awood badan, waana taas waxa aan doonayo inaan ku arko kulan kasta”.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.