Chelsea oo ku bixineysa 140 milyan euro badalka Eden Hazard

Chelsea oo ku bixineysa 140 milyan euro badalka Eden Hazard

Khamiis, Feberaayo, 07, 2019 (HNN)- Waxay u muuqataa in macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri uu sameyn doono saxiixa mid ka mid ah xidigihiisii kasoo hoos shaqeeyay, si uu ugu noqdo badalka Eden Hazard oo lala xiriirinayo inuu ka dhaqaaqi doono garoonka Stamford Bridge.

Waxaa jira warar badan ee sheegaya in 28 jirka reer Belgian uu u dhaqaaqi doono kooxda Real Madrid xili ciyaareedka soo aadan.

Shabakada “Italian football” ayaa xaqiijisay in macalinka reer Talyaani iyo kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri uu xiiseenayo lasoo saxiixashada xidiga Napoli ee Lorenzo Insigne.

27 jirkan ayaa kasoo muuqday kooxdiisa Napoli 27 kulan xili ciyaareedkan wuxuuna dhaliyay 11 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 6 gool kale.

Lorenzo Insigne ayaa ka mid ahaa xidigaha uu ku tiirsanaan jiray tababare Maurizio Sarri waayihiisii kooxda Napoli  ee kala ahaa Gonzalo Higuaín, Dries Mertens iyo José Callejon.

Sida laga soo xigtay shabakadan caanka ah ee dalka Talyaaniga, qiimaha heshiiska Chelsea ayaa noqon kara 140 milyan euro, waan qiimaha lagu kansali karo heshiiska uu ku joogo kooxd Napoli.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.