Manchester United oo dalab waali ah ku dooneysa xidig ka tirsan Real Madrid

Manchester United oo dalab waali ah ku dooneysa xidig ka tirsan Real Madrid

Khamiis, Feberaayo, 07, 2019 (HNN)- Warbaahinta gudaha England ayaa shaacisay in kooxda Manchester United ay dooneyso xoojinta qeybta dhexe ee difaaceeda, kadib marka uu furmo suuqa xagaaga ee soo aadan.

 

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Manchester United ay dooneyso inay sameyso saxiixa difaaca reer France iyo kooxda Real Madrid Raphaël Varane.

Wargeyskan reer England ayaa sheegay in Manchester United ay u qoondeysay aduun dhan 100 milyan oo ginni si ay u sameyso saxiixa daafaca Real Madrid ee Raphaël Varane.

Sida laga soo xigtay warar qaar, 24-sano jirka reer France ee Raphaël Varane ayaa qandaraaskiisa Real Madrid waxa uu dhacayaa xagaaga 2020, mana jiro ilaa iyo haatan warar sheegaya inuu qandaraaska uu u cusbooneysiiyo Los Blancos.

Manchester United ayaa xili ciyaareedkan in badan ku soo dhibtootay difaac xumi, gaar ahaan taliska macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.