Chelsea Oo Baddalka Bakayoko Kasoo Qaadanaysa AC Milan.

Chelsea Oo Baddalka Bakayoko Kasoo Qaadanaysa AC Milan.

Sabti, Feberaayo, 9, 2019  (HNN)- Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa doonaysa in ay Stamford Bridge usoo dhaqaajiso xidig qadka dhexe kaas oo ay doonayaan in ay baddal uga dhigaan Bakayoko oo waqtigan kusugan San Siro.

kooxda ka ciyaarta Premier League ee Chelsea ayaa isha ku haysa in ay lasoo dhaqaaqdo Frankie Kessie si ay baddal uga dhigto laacibka xulka France qadka dhexe kaga ciyaara ee Tiemoue Bakayoko.

Majaladda laga aqristo talyaniga ee Corriere dello Sport ayaa baahisay in kooxda ree London ee Blues taas oo doonaysa in ay xagaagan la saxiixato xidig qadka dhexe ka ciyaara kadib markii ay u guul darrasatay in ay gacanta kudhigto xidigaha Leandro Paredes  iyo Nicolo Barella.

si lamaid ah laacibkan reer Afrika ayaa xiisa ka helay kooxda Chelsea London Kula xifaaltanta ee Tottenham Hotspur, taas oo dhankeeda diyaar u ah in ay xoojiso qadkeeda dhexe.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.