Tababare Maurizio Sarri Oo Kahor Kulanka Man City Kahadlay Mustqbalka Eden Hazard.

Tababare Maurizio Sarri Oo Kahor Kulanka Man City Kahadlay Mustqbalka Eden Hazard.

Sabti, Feberaayo, 9, 2019  (HNN)- Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea Maurizio Sarri ayaa sheegay in uusan hubin haddii uu Eden Hazard sii joogi doono garoonka Stamford Bridge iyo hadi kale.

Hazard ayaa bilihii lasoo dhaafay si aad ah loola xiriirinayay in uu ka dhaqaqaaqayo Chelsea, iyada oo Real Madrid ay wali xiisaynayso kabtanka Belgium kaas oo horay u sheegay in uu ka warqabo halka uu mustaqbalkiiisa yaallo, iyada oo Real Madrid loo badinayo kooxda gacanta kudhigi karta Eden.

Isaga oo hadlayay kahor kulanka asbuucas soo aaddan ay kooxdiisa Blues ahy la ciyaarayso Man City Maurizi Sarri aya sheegay:

“maalin walba ayaan kahadlaa Eden, balse arrintu meelna uma dhicin, waxba kama oran karo mustaqbalkiisa, waxa aan rajaynayaa in uu nala sii joogo balse waxa aan u rajaynayaa farxad.”ayuu hadalkiisa kudaray tabbare Sarri.

hadalka tababaraha talyaaniga ayaa qaybtiisa danbe laga dhadhansan karaa in uu Hazard u ogolaan doono haddii kooxda ka codsado in uu dhaqaaqay maadaama uu farxad u rajaynayo.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.