DAAWO: Real Madrid Oo Xasuuq Xoogan U Geesatay Atletico Madrid.

DAAWO: Real Madrid Oo Xasuuq Xoogan U Geesatay Atletico Madrid.

Axad, Feberaayo, 10, 2019  (HNN)- Ciyaarta Derby Madrid ayaa Noqotay Mid ay Xooga Ugu Badan Lahaatay Kooxda Real Madrid.

Bilaawgii Ciyaarta Dharbaaxo Ayaa Lagu Bilaabay Atletico waxaana Goolka koowaad ka Dhaliyay Casamero Oo Madrid Qadka Dhaxe kaga Ciyaara.

Atletico kuma qaadan waqti badan in ay Goolka ka soo laabtaan waxaana U suurta gashay daqiiqadii 25-aad inay bareejo ka dhigaan waxaana Goolka U Dhaliyay Griezmann.

Ka hor inta aan lakala nasan qeebta hore waxaa Madrid loo Dhigay Rigoore waxaana Gool U Badalay Kabtan S.Ramos.

Markin La Isku Soo Laabtay Qeebta labaad Morata Ayaa Gool ka Dhaliyay Kooxdiisii Hore Real Madrid Tasoo Ciyaarta ka Dhigtay 2-2 balse Var Ayaa Diiday Goolka Morata.

Sheekada oo 2-1 ah ayay Madrid heleen Goolka Sedexaad ee Ciyaarta waxaana Dhaliyay Bale.

Ciyaarta ayaa ku soo Idlaatay 3-1 oo ay Guusha Ku Raacday Real Madrid.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.