DAAWO: Athletic Bilbao oo taako u dhigtay hogaamiyaasha horyaalka La Liga ee Barcelona.

DAAWO: Athletic Bilbao oo taako u dhigtay hogaamiyaasha horyaalka La Liga ee Barcelona.

Isniin, Feberaayo, 11, 2019  (HNN)- Kooxda Barcelona ayaa kulan katirsan horyaalka spain ee La Liga la qaadatay kooxda Athletic Bilbao waxa ayna  ciyaarta ku soo dhamaatay bareejo oo midkoodna wuu awoodi wayey in hal gool xitaa dhaliyo .

Kulanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan labada ayaana qeebtii koowaad ee ciyaarta bareejo isku dhaafi waayey walow labada koox aya soo bandhigeen kubad loo riyaaqo.

Ciyaarta ayaa dib loo anba qaaday kooxda Barcelona ayaana sameesay isku dayo badan oo ay ku dooneyso in hesho goolka kowaad ee ciyaarta, balse Bilbao ayaa dhankeeda sameeneysay difaacasho wanaagsan .

Atletico oo ku xisaabtameysa in aan marna loogaga adkaan garoonkeeda lixdii kulan ee ugu dambeyey ayaa iska diiday guul ay ka gaarto kooxda Barcelona oo bareejo dhafi weysay sedex kulan oo xiriir ah .

Messi oo safka ku soo bilowday ayaa awoodi waayey in uu kooxdiisa sedexda dhibciod farta ka saaro walow shagi laga muujinayey in uu kulankan ciyaaro karo misane xulusha macalinta qeeb ka soo noqday .

De Marcos oo katirsan kooxda Atheltico ayaa loo tagay kaarka gaduudan daqiiqadii 90-aad ee  ciyaarta , Ugu dambeen ciyaarta ayaa ku soo idlaatay bar baro 0-0 oo ay labada koox ay ku hishiiyeen , waxa ayna ka dhigantahay in Barca aysan wax guul ah gaarin sedexdii kulan ee ugu dambeyey ee ay ciyartay dhamaan tartamada. 

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.