DAAWO: Juventus oo guul muhiim ah ay u qalantay ka gaartay kooxda Sassuolo.

DAAWO: Juventus oo guul muhiim ah ay u qalantay ka gaartay kooxda Sassuolo.

Isniin, Feberaayo, 11, 2019  (HNN)- Juventus ayaa gaartay guul muhiim ah ay u qalantay, kadib markii ay 3-0 kaaga adkaatay kooxda Sassuolo.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida ahayd ee Juventus.

Sami Khedira ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Juventus daqiiqadii 23-aad wuxuuna ka dhigay 1-0.

Qeybta labaad marka ciyaarta ay dib ugu soo noqdeen labada kooxood Bianconeri ayaa raacdo u gashay sida ay ku heli laheed goolkeeda labaad ee ciyaarta.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 70-aad neefta ka fujiyay taageerayaasha kooxda Juventus wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0, kadib caawin uu ka helay Miralem Pjanic.

Daqiiqadii 86-aad Emre Can ayaa hurdo dheer u diray kooxda Sassuolo uu kulanka ku dhex sugneydneed jamaahiirteeda, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0, kadib caawin uu ka helay Cristiano Ronaldo.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-0 ay guusha ku raacday hogaamiyaasha horyaalka ee Juventus.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.