Kooxaha Real Madrid iyo Tottenham oo gaaray guulo muhiim ah

Kooxaha Real Madrid iyo Tottenham oo gaaray guulo muhiim ah

Khamiis, Feberaayo, 14, 2019 (HNN)- Waxaa soo gaba gaboobay kulan ciyaareedyadii u dhexeyey kooxaha Ajax iyo Madrid iyo kulanka kale ee Tottenham iyo Dortmound kaas oo ka tirsana wareega lugta koowaad ee 16-ka Champions League .

Aan ku horeynee kooxda Ajax ayaa garoonkeeda ku marti soortay qaan gaarada Europe ee Real Madrid kulankooda ayaana ku soo idlaaday 2-1

Qeebtii koowaad ee kulanka waxaa ku gacan sareyey kooxda Ajax oo soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u sareyey balse uma suura galin in ay gool dhaliyaan .

Madriid ayaa la timid gool daqiiqadii 60-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Benzema caawinteedana waxaa lahaa V. Junior’.

Ajax ayaa la timid goolka bareejada ee ciyaarta waxaana u dhaliyey Ziyech daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta .

Dhamaadkii ciyaar Marco Asensio ayaa Madrid u dhaliyey goolka guusha ciyaarta ayaa noqotay 2-1 oo ay ugu dambeen guushu ay ku raacday Madrid.

Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa soo dhaweysay kooxda Dortmund oo qadaneysa xiliciyaareed aad u wanaagsan sandkan .

Qeebtii kowaad ee kulanka ayaa lagu kala nastay bareejo balse qeebtii dambe ee ciyaarta waxaa gool la yimid kooxda Spurs waxaana u dhaliyey Son daqiiqadii 47-aad ee ciyaarta.

Tottenham ayaa heshay labo gool oo kale waxaana ukala dhaliyey Vertonghen iyo Fernando Llorente kulanka ayaana ku soo idlaaday 3-0 oo ay guushu ku raacday Tottenham .

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.