HORDHAC : Liverpool vs Bayern Munich

HORDHAC : Liverpool vs Bayern Munich

Talaado, Feberaayo, 19, 2019 (HNN)- kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda ku marti soori doonta kooxda Bayer Munchun kulan ka tirsan wareega 16-ka Champions league lugtiisa koowaad.

Waa kulan aad loo wada sugayey ilaa iyo maa waqtigii la sameyey isku aadka wareegan , indhaha caalamka oo dhan ayaa mar qura loo jiheen doonaa garoonka Anfield .

Maxaa ka cusub labada koox :

Virgil van Dijk  ayaa ka ganaaxan kooxda Liverpool  waxa uuna seegayaa kulanka lugta koowaad ee tartanka champioms league wareegiisa 16-ka ,  Fabinho ayaa lala mataaneen doonaa Joel Matip hadii  uusan Dejan Lovren  diyaar u noqon kualnka .

Liverpool  ayaa mudo todobaad diyaar garow ugu jirtay kulankan waxaana dib safkooda ugu soo laabtay daafca garabkeeda midig ee Trent Alexander-Arnold .

James Milner ayaa ku soo bilaaban kara dambeedka daafca midig hadii wax wal wal ah laga qabin taam ahaanshiyaha  Alexander-Arnold  geesta kale  Naby Keita ayaa diyaar u ah in uu difaacdo booskiisa qadka dhexe .

Xherdan Shaqiri  ayaa shaki lagaa qabaa in uu kulankan ku soo bilowdo si uu u wajaho kooxdiisii hore ee Munchun , Roberto Firmino ayaa seegay taba barkii isniinta waxaana soo wajahay xanuun  balse Andy Robertson  ayaa seegi kara kulanka lugta labad hadii uu qaato caalmada jaale ah .

Manuel Neuer  ayaan wax cabsi ah laga qabin ka dib markii uu ciyaaray kulankii ay  guusha ka gaareen maalinmadii jimcaha kooxda  Augsburg  ciyaar ku soo dhamaatay 3-2 waxa ayna taa la micno tahay in uu taam buuxa u yahay kulanka Liverpool .

Kooxda  Bayern Munich ayaa xaqiijisay  in  Kinglsey Coman  uu diyaar u yahay in uu wajaho Liverpool,James Rodriguez ayaa heysta fursad uu ugu soo bilaaban karo ciyaarta madaama uu ciyaar cajiib ah soo bandhigay kulankii Augsburg.

Niko Kovac  ayaa tartan kula jira Joshua Kimmich ku soo bilaawashada khadka dhexe hadii   Rodriguez uu ku fashilmo dooqa macalinka ,  Niklas Sule  ayaa dafaaca dhexe xaadir ku ah waxa uuna booska ka badalayaa Jerome Boateng   oo dhaawac kulankan ku seegay .

Thomas Müller  ayaa ganaax ku seegaya ciyaarta  , halka Kimmich uu maqnana karo kulanka lugta labad ee champions league hadii uu qaato caalamad jaale .

kooxda ka ciyaarta horyaalka Bundesliga safkooda waxaa kale oo ka maqan  Corentin Tolisso iyo Arjen Robben , halka Franck Ribery  iyo  Coman ay isku garbin doonan  weerarka garabka .

Ogeysiiska kulanka :

Kulanka : Liverpool vs Bayern Munich ( Champions League )

Goobta :   Anfield

Goorta :    11 : 00 oo habeenimo

Garsoorka :   Gianluca  Rocchi (ItA)

Xaqiiqooyinka ciyaarta ka hor kulanka :

Bayern Munich ayaa badisay kaliya hal kulan 7-dii kulan  ee ay wajahday kooxda Liverpool dhamaan tartamada (4- bareejo iyio 2 -qasaaro)  marka kaliya ee ay  badisay waxa ay aheyd bishii  November 1971 markaa oo ay kaga adkadeen laboo gool waxaana  ukal dhaliyeen  Gerd Müller iyo  Uli Hoeness .

Liverpool iyo Bayern’  markii ugu horeysay ee ay wada ciyaareen tarankan oo loo yaqiini jiray  European Cup balse hadda loo yaqaano Champions League waxa uu dhacay  xili ciyaareedkii 1980-81 Liverpool ayaana kulankii lugta labaad  kaga soo gudubtay Munchun goolal Away ah taas oo u  sahashay in ay u gudban finalka waxa ayna 1-0 ay ku garaaceen kooxda Real madriid oo finalka soo tiigsatay sanadkaas  .

Bayern marna gool kama aysan dhalin gool kooxda Liverpool iyada oo lagu ciyaaraya garoonka  Anfield 3-kulan oo ay ku wajahday .

Liverpool ayaa guul daro la’an ah 19-kulan oo xiriir ah tartamada Europeanka  kulamda ka dhaca  Anfield (14-badis  5-bareejo), markii ugu dambeysay ee garoonkooda qasaaro ay kula kulmaan waxa ay  aheyd Bishii October 2014 ciyaar ay is wajheen  kooxda  Real Madrid tartanka champions league waxa uuna  ku dhamaaday kulankaa  (3-0) waqtigoodii ugu dheeraa ee aan garoonkooda lowga badin waa 40-kulan waxa ay dhacday intii u dhaxeysay  September 1974 iyo December 1991.

Bayern ayaa kamida shan kooxood oo aan marna laga badin tartanka champions league wareegiisa guruubyada   waxaa sidaas oo kale aan marna laga badin kooxaha  Ajax, Barcelona, Lyon iyo Porto. Bayern ayaana ugudbeysay Champions League wareegiisa  semi-finalka todobo kamida 9-kii xili ciyaareed ee la soo dhaafay .

Afar kamida ciyaartoyda kooxda  Bayern ayaa safan kara kualankoodii 50-aad ee tartanka Champions League hadii ay ka soo muuqdaan kulanka Liverpool waana xidigaha kala ah : Thiago Alcantara, Mats Hummels, Javi Martinez iyo James Rodriguez.

Sideed  kooxood ayaa kaga sareeya  naadiga Bayer kubadaha shuudadaka la sameyey intii lagu guda jiray wareega guruubyada ,balse ma jirto kooxd kaga badan Bavarianka fursadaha aay abuureen intii lagu guda jiray wareega guruubyada oo ah (21- fursadood ).

Eeg shaxda macquulka ah :

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.