HORDHAC : Lyon vs Barcelona xogta kulanka oo dhmeestiran iyo xaqiiqooyinka laga diiwaan giliyey.

HORDHAC : Lyon vs Barcelona xogta kulanka oo dhmeestiran iyo xaqiiqooyinka laga diiwaan giliyey.

Kooxaha Lyon iyo  Barcelona oo marna guul daro aysan soo gaarin kulamadii ay ka soo ciyaareen wareega guruubyada ayaa isku arki dooona kulan ka tirsan wareega 16-ka tartanka Champions league .

Lyon waxaa ka maqan ciyaartoy muhiim ah halka Barcelona ay heysato saf buuxa oo ay kala hortigi karaan kooxda reer faranc .

Labada koox ayaa guulo soo kala gaaray kulamdii dhawaan ay ka ciyaareen horyaaladooda , waxa ayna taas ka dhigantahay in ciyaarytoyda ay garoonka soo gali doonana iyaga oo niyad furan .

Maxaa ka cusub labada koox :

Lyon xidigeeda  Nabil Fekir ayaa ganaax ku seegi doona kulanka lugta koowaad ee wareega 16-ka Champions league oo ay kooxdiisa wajihi doonto kooxda Barcelona , waana arin dhabar jab ku ah koooxda reer French.

Jason Denayer iyo  Tanguy NDombele, oo kamida xidigaha joogtada ah ee Lyon, ayaa sidoo kale ka maqanaan dona safkooda . dhica kale Maxwel Cornet iyo Bertrand Traore ayaa tartan ugalaya ku soo bilaabashada garabka midig .

Martin Terrier oo qaab ciyaareed wanaagsan la soo baxay kulan ciyaareedkii ay wajheen kooxda Guingamp habeenimadaa jimcaha ayaa booska weerarka ku cariirin kara xidiga reer Holand ee Memphis Depay .

Lionel Messi  iyo Ousmane Dembele  ayaa sii buuxda ugu kabsaday dhaawacyadii ay qabeen asbuucyadii la soo dhaafay iyaga oona si wadajir ah ugu soo bilaaban kara kulanka caawa oo salalsa ah .

Arthur ayaa laga saaray kulanka madaama uu dhaawac ka qabo muruqa waxa uuna heestaa bil nasiino ah , Arturo Vidal iyo Ivan Rakitic ayaa si wadjir ah u ciyaari doona waxaana meesha ka marneen  Sergio Busquets .

Clement Lenglet oo la nasiyey todobaadkan ayaa dib u soo laaban doono isaga oona  daafca dhexe kula mataanoowi doona  Gerard Pique. Samuel Umtiti  ayaa dib ugu soo laabtay tawabarka balse kooxda marabto in ay qatar giliyaan xaalada xidiga waxa uuna soo fadhiisan doonaa kuriga keedka isaga oo ka hor imaanaya  kooxdiisii hore.

Ogeysiiska kulanka :

Kulanka : Lyon vs Barcelona (champions league )

Goobta :   OL Stadium – Decines

Goorta :   11 :00 oo habeenimo

Garsoorka :   Cüneyt Çakır (TUR)

Xaqiooyinka labada dhiinac ka hor kulanka :

-Lyon ayaa kaliya hal kulan ku qasaartay garoonkeeda heerkan oo kale tartanaka  UEFA Champions waxeyna  guuldaradaas  ay kala kulantay  Roma sanadki  2006/07. Rikoorkeeda wareega 16-ka ayaa ah shan guul , sedex bareejo iyo kulan qasaaro ah ,waxaa xusid mudan in aysan adkaadn  kulamada bananka   heerkan oo kale tan iyo sand ciyaareedkii  2005/06.

–Lyon’ ayaa ka heysata sedex guul iyo sedex guul daro kulmada labada lug ee bug bax ee ay wajahday kooxaha reer Spain tartamada Europe guuldarii ugu xanuunka badnedna waxa ay kala kulantay kooxda Villarreal  ciyaar ku soo dhamaatay 4-1 oo ka tirsaneed tartanka   UEFA Europa League .

-Barcelona ayaa guul daro la’aan ah lixdii kulan ee ugu dambeyey ee ay wajahday kooxda lyon dhamaan tartamada .

-Barcelona kulankii ugu dambeyey ee ay wajahdo koox ka socota French wax ay aheyd  Paris Saint-Germain  ciyaartii ay sameeyeen soolabashadii ugu weyneed tartanka  UEFA Champions League taariikhda  markaas oo ay ka soo noqdeen afar gool oo lowga soo dhaliyey ciida farance balse markii loo soo guryo noqday Spain Barca ayaa la timid lix gool taa oo ka dhigan in loo diwaan giliyye soo laabashadii ugu weyneed ee tartankan .

-Barcelona ayaan guul gaarin shantii kulan ee ugu dambeeyey ee ay banaanka ku soo  ciyaarto kulamda bug baxa  ( 4-jeer qasaaro iyo 1-bareejo)  guul ay gaarto waxa ugu dambeysay ciayaar  2-0 ku dhamaatay oo ay la  qaateen kooxda Arsenal xili ciyareedkii 2015/16 heerkan oo kale .

Eeg shaxda macquul ee labada koox :

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.