Isku Aadka Wareega Siddeed Dhamaadka FA Cupka Oo La Sameeyay.

Isku Aadka Wareega Siddeed Dhamaadka FA Cupka Oo La Sameeyay.

Talaado, Feberaayo, 19, 2019 (HNN)- waxaa la soo saaray isku aadka siddeed dhamaadka FA Cupka waxaana kala badbaaday kooxaha reer Manchester iyaga oo sugi doona wareega xiga haddii ay soo dhaafaan kooxaha lagu aadiyay ama xataa finalka tartankan.

Manchester City ayaa siddeed dhamaadka FA Cupka marti u noqon doonta kooxda Swansea City ee heerka labaad ka ciyaarta laakiin Manchester United u safri doonto kooxda Wolves taas oo keeni karta in Man United iyo Man City ay u soo bixi karaan wareega afar dhamaadka FA Cupka.

Kooxaha Millwall iyo Brighton ayaa helay fursad fiican oo ay kaga fogaadeen labada kooxood ee waa wayn si la mid ah Watford iyo Crystal Palace oo kulan adag wada ciyaari doona.

Isku aadka Siddeed Dhamaadka FA Cupka Oo Dhamaysitran:

Swansea vs. Man City

Watford vs. Crystal Palace

Wolves vs. Man Utd

Millwall vs. Brighton

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.