Juventus oo guul dirqi ah ka gaartay kooxda Bologna

Juventus oo guul dirqi ah ka gaartay kooxda Bologna

Axad, Feberaayo, 24, 2019 (HNN)- Juventus ayaa guul dirqi ah ka gaartay Bologna kaddib markii ay kaga adkaatay gool madi ah.

Juventus ayaa ku fashilantay in ay dhaliso gool qeebtii koowaad ee ciyaarta kooxda Bologna ayaana shabaqeeda ka ilaashatay gool .

Marwada Duqda ayaa sameesay isku dayo badan balse uma suura gilin in ay dhaliyaan gool , qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaana lagu kala maray o-o .

Nasiino kaddib waxaa dib loo anaba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta , Juventus oo marti aheyd ayaa halkeeda ka sii bilowday dar dartii xooganeed si ay u garaan goolka .

Juventus ayaa la timid goolkii koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey laacibkooda numbarka 10-aad ee Paulo Dybala daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta , natiijada ciyaarta ayaana noqotay 1-0 .

Ugu dambeen ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Juventus kaga adkaatay dhigeeda kooxda Bologna.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.