Leicester City oo Ceyrisay tababaraheeda Claude Puel kaddib…

Leicester City oo Ceyrisay tababaraheeda Claude Puel kaddib…

Axad, Feberaayo, 24, 2019 (HNN)- Leicester City ayaa ku dhawaaqday inay shaqada tababarka ka ceyrisay macalinkeeda Claude Puel.

52 jirkan ayaa qabtay shaqada tababarka ee kooxda Leicester City 25-ka bishii October 2018, balse waxaa lasoo afjaray heshiiskii uu ku joogay kooxda, kadib markii ay la kulantay natiijo xumi.

War rasmi ah ee kasoo baxay kooxda Leicester City ayaa lagu sheegay:

“Leicester City waxay dooneysaa inay kaga mahad celiso Claude Puel dadaalkii uu ku bixiyay kooxda 16-kii bilood ee lasoo dhaafay waxaana u rajeyneynaa wanaag oo dhan mustaqbalkiisa”.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.