Messi oo Fariin Cabsi galin ah u diray Real Madrid kaddib Saddexleydii uu xalay dhaliyay

Messi oo Fariin Cabsi galin ah u diray Real Madrid kaddib Saddexleydii uu xalay dhaliyay

Axad, Feberaayo, 24, 2019 (HNN)- Lionel Messi ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u wacan isagoona xalay ka kacay Saddexleey xilli ay guul soo laabasho leh ka gaareen Sevilla 4-2.

Kabtanka xulka Argentina oo hadlay ciyaarta kaddib ayaa diray fariin cabsi galin ah oo ku wajahan kooxaha ku soo fooda leh oo ay ka mid tahay Real Madrid ay wada ciyaari doonaan lugta labaad ee semi final ka Cope del Rey.

Messi ayaa ka dhawaajiyay inay doonayaan inay ku guuleystaan saddexda koob oo ay u tartamayaan, La Liga, Champions League iyo Copa del Rey.

“Wado dheer ayaa weli harsan tartanka horyaalka, laakiin waa muhiim inaan halkan guul ku gaarnoay si aan halkeeda ugu sii heyno farqiga dhibcaha,” Messi ayaa sidaa yiri.

“Kulamo adag ayaa nagu soo wajahan.

“Way sii adkaaneysaa oo way sii adkaaneysaa inaad guuleysato.

“Ma sii deynayno hal ka mid ah koobabka aan ku tartameyno.

“Hal talaabo ayaan u jirnaa inaan gaarno Final ka Cope del Rey, laakiin waxaan leenahay kulan aad u adag maadaama aan Real Madrid ku wajaheyno gareenkeeda.

“Laalkiin waxaan halkaa u tagi doonaa si aan guuleysano waana ku kalsoonahay inaan midaa sameyno.

“Intaa kaddib waxaan markale ka fikiri doonaa kulanka horyaalka, waxaan isku dayaynaa inaan ku wada guuleysano dhammaan koobabka aan u tartameyno.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.