DAAWO: Barcelona oo cashar ugu dhigtay Real Madid garoonkooda.

DAAWO: Barcelona oo cashar ugu dhigtay Real Madid garoonkooda.

Khamiis, Feberaayo, 28, 2019 (HNN)- Kooxda Barcelona ayaa guul 3-0 ah ka gaartay kooxda Real Madriid kulan ciyareedkii ka tirsanaa tartanka boqorka Spain wareegiisa Semi finalka .

Kulan ayaa ahaa mid xiiso badan waxa uuna ka tirsanaa tartanka boqorka Spain , qeebtii koowaad ee kulanka wax gool ah la iskama dhalin oo waa la is mari waayey .

Ciyaaryahanada labada dhinic waxa ay heleen jaanisyo dhowr ah balse midna kama uusan faa ideysan janisyadaadas qeebtii koowaad .

Waxaa loo dareeray qolka labiska si ay ciyaaryoyda u soo qataan waqtiga nasiinada ugu dambeena waxaa dib loo anaba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta .

Wiilasha kooxda Barca ayaa dar dar xoogan la soo galay qeebtii dambe ee ciyaarta waxa ayna la yimaadeen sede gool oo wadna qabad ku noqday taageerayaasha iyo ciyoortoyda kooxda Madriid .

Laacibka xulka qaranka Urugay ee Luis Suarez ayaa ka dhaliyey kooxda Madrid goolasha loo yaqaano sedex leyda , labo kamida goolasha uu dhaliyey waxaa caawiye ka ahaa wiilka reer Farance ee Osmane Dambele .

Ugu dambeen ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 Madrid ayaana awoodi weysay in ay la yimaad xitaa gool iyaga oo ku ciyaaraya ciidooda , balse waxaa xusid mudan in markale todoobadn soo socda bilowgiisa ay isku arki doonaan kulan ka tirsan horyaalka La Liga .

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.