HORDHAC: Dortmund VS Tottenham

HORDHAC: Dortmund VS Tottenham

Talaado, Marso, 05, 2019 (HNN)- kooxda Dortmund ayaa garoonkeeda ku soo dhaween doonta kooxda Tottenham kulan ka tirsaan lugta labaad ee wareega 16-ka .

Tottenham ayaa soo adkaatay kulankii lugtii koowaad waxa ayna ku soo adkaadeen tiro 3-0  . Dortmund waxaa qasab ku ah in ay guul la timaado balse waxaa dhib u keeni kara in markale Tottenham gool ku dhaliso garoonkooda oo xaalada ku sii adkeen karta .

Maxaa ka cusub labada koox ka hor kulanka :

Dortmund ayaa soo dhaween doonta kabtankooda  Marco Reus kaas oo seegay lugtii koowaad oo lagu ciyaaray gudaha England waxa uuna qabay dhaawac .

Lukasz Piszczek  waa xiidga kaliya ee ka maqan kooxda martida loo yahay oo maanka ku heysata in 3-0 lowga soo adkaaday kulankii lugtii hore , waxaama qasab ku ah in ay guul ay keensato .

Paco Alcacer oo dhalieyeu gool isaga oo badal ku soo galay ciyaartii dhamaadkii asbuucii hore ayaa markan rajeenaya in uu ku soo bilowdo kulanka waxaana booskaas ka bixi doono Jacob Bruun Larsen.

Macalin Favre ayaa u yeeri doona  xidiga reer Portugal ee  Raphael Guerreiro oo ka ciyaara daafaca bidix  madaama uu yahay xidig ku wanaagsan weerarka .

Mauricio Pochettino ayaa dhakeysan doona warka ugu dambeeya ee ka soo baxa xaalda caafimaad ee Victor Wanyama kaas oo dhaawac fudud uu soo gaaray kulan ciyaareedkii ay wajaheen kooxda  Arsenal bilowgii asbuucan .

Harry Winks ayaa ku biiray safka dhaawacyada ee kooxda Tottenham oo ay hogaaminayaan xidigaha kala ah Dele Alli iyo  Eric Dier  oo soo laabashadiisu ay dhowdahay .

Serge Aurier ayaa noqon kara dooqa koowaad ee dambeedka daafca midig , halka  Mauricio Pochettino uu go’aan sandoono  cida ciyaari laheed dambeedka daafca bidix iyada oo ay xusid mudantahay in kulankii hore uu ciyaarayey Jan Vertonghen oo xakameyey  Jadon Sancho’ oo ah xidig farsamo iyo xawaaro badan ..

Toby Alderweireld, Erik Lamela iyo Son Heung-Min  ayaa dhamaantoodba seegaya  hadii ay qaataan jaale kulanka koowaad ee wareega quarter-finals hadii ay u gudbaan caawa.

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka :  Dortmund VS Tottenham (Champions League)

Goobta :Signal Iduna Park

Goorta : 11:00 oo habeenimo

Garsoorka: Danny Makkelie (Netherlands)

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

Kooxda reer German ayaa badisay kaliya hal kulan 7-dii kulan ee ugu dambeeyey ee wareega buxa ee tartamada UEFA (2-bareejo iyo 4-qasaaro ), guusha qura ay gaareen ayaa ah ciyaar ku dhamaatay 3-2 oo ay kaga adkaadeen kooxda Atalanta xili ciyaareedkii hore tartanka UEFA Europa League wareegiisa 32-koox.

Dortmund’ ayaa ka heysata rikoor ah 6-guul,4-bareejo iyo 2-qasaaro marka ay garoonkeeda kula ciyaareyso kooxa ka socda Englad , labada guul daro waxa ay kala kulantay kooxaha isku magaalada ka dhisan ee Tottenham iyo Arsenal.

% Boqolkiiba boqol kooxaha ku soo adkaada 3-0 oo garoonkooda ah ah inta aan la aadin garoonka kale ee lugta koowaad ee wareega bug baxa ayaa ugudbayey wareega xiga 7-dii xili ciyaareed ee la soo dhaafay , hadii Tottenham ay ugudubto wareega xiga waa markoodii labaad oo ay garaan heerkaas horey waxa ay u tiiksadeen sand ciyaareedkii 2010-11.

Dortmund ayaa laga dhaliey 3-gool lugtii koowaad wareega 16-ka waana in kabadan gabi ahaan intii laga dhaliyeu wareega guruubyada oo ah ( 2-gool )

Tottenham ayaa badisay sedexdii kulan ee ay la yeelatay kooxda Dortmund tartanka Champions League , labo jeer oo xili ciyaareedkii hore waliba heerka guruubyada iyo guushii ugu dambeysay ee lugta koowaad ee wareega 16-ka.

Safafka macquulka ah ka hor kulanka :

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.