Dalalka reer Galbeedka oo mamnuucay diyaaraddaha ay soo saarto shirkadda Boeing

Dalalka reer Galbeedka oo mamnuucay diyaaraddaha ay soo saarto shirkadda Boeing

Arbaco, Marso, 13, 2019 (HNN)- Qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka ayaa soo saaray amar ay hawada dalalkooda uga mamnuucayaan inay ku duusho diyaaradda ay soo saarto shirkadda Boeing ee nooceedu yahay 737 MAX 8.

Waddamada Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in aysan hawadooda soo galin karin diyaaraddan.

Urur ay ku mideysan yihiin duuliyeyaasha dalka Ingiriiska ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Axaddii lasoo dhaafay ay burburtay diyaarad noocaas ah oo ay isticmaaleysay shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo ay ku geeriyoodeen dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii la socday oo isku darka tiradoodu ay gaareysay 157 ruux.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.