Magaalada Muqdisho oo maalintii labaad xiran iyo dadka oo u lugeynaya goobahooda ganacsi iyo waxbarasho

Magaalada Muqdisho oo maalintii labaad xiran iyo dadka oo u lugeynaya goobahooda ganacsi iyo waxbarasho

Axad, Marso, 17, 2019 (HNN)- Magaalada Muqdisho ayaan maalintii labaad la ogoleyn dhaqdhaqaaqa guud ahaanba gaadiidka dadweynaha marka laga soo tago gaadiidka dagaalka ciidamada iyo kuwa mas’uuliyiinta dowladda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-galyada ayaa ku sugan Wadooyinka ee magaalada, iyadoo lagu wado maanta in madaxweynaha Jabuuti oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho uu booqdo xarumo kala duwan oo ay ka mid tahay xarunta Golaha Aqalka Sare ee Soomaaaliya.

Dadka ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya islamarkaana su’aalo badan iska weydiinaya xirnaashaha magaaalada ee maalintii labaad, waxaana arintan cabasho weyn ka keenay dadka ku shaqeysata gaadiidka dadweynaha oo dowladda ka dalabanaya in wax laga badalo habka sugida amniga wafuud imanaya magaalada.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.