Eden Hazard oo dib u dhigay kahadalka arimaha Real Madrid ilaa dhamaadka xili cayaareedkaan.

Eden Hazard oo dib u dhigay kahadalka arimaha Real Madrid ilaa dhamaadka xili cayaareedkaan.

Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HNN)- Laacibka kooxda kubadda cagta Chelsea Eden Hazard ayaanan meesha ka saarin suurta galnimada uu Real Madrid ugu biiri karo dhamaadka sanadkaan.

Hazard oo haatan ku taamayo in kooxdiisa Chelsea kula guuleysto koobka Europe League ayaa yiri; “arintaas haatan kama fikiraayo, waxaan doonayaa inaan kooxdeyda Chelsea diirada saaro isla markaasnoa kula guuleysto Europe League “

Hazard ayaa hadalkiisa kusii daray; “waxaa nagu soo fool leh bilo aad u adag waxaa nagu waajib ah inaan Europe League ku guuleysano ama aan booskeena top4ka soo dhacsano si aan sanadka dambe tartanka UCL qeyb uga ahaano”

Hazard ayaa waxay riyadiisa tahay inuu maalin uun u cayaaro kooxda reer Spain ee Real Madrid asigoo sidoo kalana aad u jeclaan lahaa inuu kahoos cayaaro macalin Zidane xili lagu soo waramayo in kooxda Real Madrid ay laacibkaan ka gudbisay dalab 100m ah.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.