Hooyada dhashay Adrian Rabiot oo sheegtay in wiilkeeda uu u xiranyahay kooxda PSG.

Hooyada dhashay Adrian Rabiot oo sheegtay in wiilkeeda uu u xiranyahay kooxda PSG.

Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HNN)- Hooyada dhashay laacibka khadka dhexe ee kooxda PSG iyo qaranka France Veronique Rabiot sidoo kalana ah wakiilkiisa ayaa sheegtay in wiilkeeda uu maxbuus u yahay kooxda kubadda cagta ee PSG.

Kooxda PSG ayaa cayaarista kubadda cagta ka joojisay laacibkaan maadaama uu diiday inuu qandaraas cusub saxiixo sidoo kalana waxaa aad ugu kacsan jamaahiirta kooxdaasi kadib markii uu u dabaal dagay kaharitaankii ay kooxdiisa PSG ka hartay tartanka UCL.

Hadaba hooyada dhashay Adrian Rabiot sidoo kalana ah wakiilkiisa ayaa arintaan ka hadashay iyadoo dhaleeceyn xoogan dusha uga tuurtay kooxda PSG.

Veronique Rabiot ayaa tiri; “ma doonayo inaan arintaasi ka baroorto ama aan dhaho Paris ma ahan koox fiican, asiga (Adrian) waxay ka weerarayaan dhanka banii aadanimada mana idiin sheegi karo wuxuu haatan dareemayo.

Waxayna hadalkeeda sii raacisay; “asiga haatan wuxuu u xiranyahay PSG” iyadoo sidoo kalana sheegtay in wiilkeeda uu maalinkasta tababarto inkastoo ay ka gaabsatay iney sheegto cida uu la tababarto.

Adrian Rabiot oo diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa PSG ayaa dhamaadka bisha Juun noqon doono Free waxaana wada xiiseynayo kooxo ay kamid yihiin Barcelona, Manchester United iyo Tottenham.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.