Portugal oo barbaro lagu qabtay France oo guul weyn gaartay iyo natiijooyinka rasmiga ee is reeb reebka koobka qaramada Yurub.

Portugal oo barbaro lagu qabtay France oo guul weyn gaartay iyo natiijooyinka rasmiga ee is reeb reebka koobka qaramada Yurub.

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HNN)- Xulka kubadda cagta Portugal ayaa barbaro 0-0 lagu qabtay cayaar ka tirsaneyd isreeb reebka koobka qaramada yurub ee 2020ka.

Ronaldo oo kulankiisii ugu horeeyay qaranka Portugal cayaaray kadib kasoo haritaankoodii koobka aduunka ayaa awoodi waayay inuu wax guul ku hogaamiyo qarankiisa waxayna barbaro 0-0 kala kulmeen qaranka Ukraine.

Dhanka kale France ayaa xasuuq u geysatay qaranka Moldova kadib markii ay 1-4 ku khaarijiyeen waxaana goolasha u kala dhaliyay Griezmann, Varane, Giroud iyo Mbeppe.

Halkaan hoose ka arag natiijooyinka kulamadii isreebreebka koobka qaramada yurub 2020ka;

Group A;

Bulgaria 1-1 Montenegro.

England 5-0 Czech Republic.

Group B;

Luxembourg 2-1 Lithuania.

Portugal 0-0 Ukraine.

Group H;

Albania 0-2 Turkey.

Andorra 0-2 Iceland.

Moldova 1-4 France.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.