Sadaxleey kale; Sterling oo England ku hogaamiyay iney xasuuqaan Czech Republic.

Sadaxleey kale; Sterling oo England ku hogaamiyay iney xasuuqaan Czech Republic.

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HNN)- Laacibka kooxda Manchester City Raheem Sterling ayaa sadaxleydiisii labaad ku dhaliyay mudo 13 maalmood kadib markii uu qarankiisa England caawo u dhaliyay 3 Goal cayaar ka tirsaneyd is reeb reebka koobka qaramada yurub.

England ayaa garoonka Wembley kusoo dhaweysay xulka Czech kulan katirsan is reebreebka koobka qaramada yurub ee 2020ka dhici doono waxayna ku bilowdeen guul weyn oo ay ka gaareen qaranka Czech.

Sterling ayaa goolasha ku daah furay kadib markii uu caawin ka helay da’yarka xulkaasi usoo baxay Sancho waxaana dhamaadkii qeybtii labaad gool rigoore ah dhaliyay Harry Kane.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ayay England halkeedii kasii wadatay xasuuqii ay ku wadeen xulka Czech waxaana goolka sadaxaad iyo midka afaraadba u dhaliyay Sterling.

Dhamaadka Cayaarta xulka Czech ayaa goolka 5aad iska dhaliyay waxaana mudnaantiisa lahaa da’yarka kooxda Chelsea Hudgson-Odoi kaasoo goolkaas sababtiisa lahaa.

Ugu dambeyn cayaarta ayaa kusoo dhamaatay natiijo 5-0 iyadoo wacdaraha uu dhigaayo da’yarka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling uu halkiisa kasii socdo.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.