Venezuela oo guuldaro xanuun badan kusoo dhaweysay Lionel Messi kadib markey Argentina ugu awood sheegteen 1-3.

Venezuela oo guuldaro xanuun badan kusoo dhaweysay Lionel Messi kadib markey Argentina ugu awood sheegteen 1-3.

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HNN)- Xulka kubadda cagta Argentina ayaa guul daro xanuun badan kala kulmay dhigooda Venezuela kadib markii ay 1-3 ugu awood sheegteen.

Lio Messi oo xulkiisa kasoo muuqday markii ugu horeysay tan iyo guuldaradii ay France kala soo kulmeen koobka aduunka ayaa awoodi waayay in xulkiisa guuldaro ka badbaadiyo.

Venezuela ayaa bilowgii cayaartaba hogaanka u qabatay kadib gool uu dhaliyay Salomon Rondon daqiiqadii 6aad waxaana Argentina dhamaadkii qeybtii hore ee cayaarta u labeeyay Jhon Murillo asigoona ka dhigay 0-2.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ayaa waxaa Argentina gool usoo celiyay laacibkooda Lautaro Martinez daqiiqadii 59aad balse sadax daqiiqo kadib waxaa cayaarta 1-3 ka dhigay Josef Martinez kadib markii uu dhaliyay gool rigoore ah.

Cayaarta ayaana natiijadaas kusoo dhamaatay, waxayna tani ka dhigantahay in Messi lagu soo dhaweeyay guul daro kale oo xanuun badan.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.