DAAWO: Manchester City oo gaartay finalka tartanka FA Cup.

DAAWO: Manchester City oo gaartay finalka tartanka FA Cup.

Axad, April, 07, 2019 (HNN)- Kooxda Man City ayaa gool madi ah kaga adkaatay Kooxda Brighton misane gaartay finalka tartanka FA Cup , iyago oo horey tartankaas ugu guuleysatay shan jeer.

Kualn ciyareedka qeebtiisa Koowaad ayaa ku soo dhamaaday  1-0 oo ay ku hogaamineysay Kooxda   Man City halka Brighton dhankooda ay la yimadeen qaab ciyaareed cajiib ah .

Citya  ayaa bilowgii hore ee ciyaarta la timid goolka qura ee ay dhaliyeen qeebtii koowaad ee kulanka waxaana dhalieyey laacibka reer Barazil ee Gabriel Jesus kaddib caawin uu ka helay Kevin De Bruyne daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta .

Brighton waxa ay sameeyeen hal isku day oo gool loo filan  karay  qeebtii hore ee ciyaarta balse Kooxda Sky Bule ayaa guud ahaan la wareegatay gacan ku heenta kulanka  .

Qeebtii koowaad ee kulanka ayaa ku dhamaaday 1-0 oo ay ku hor kaceyso kooxda Man City , muddo kooban oo ay ciyaartoyda soo qaateen nasiino waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyarta oo aheyd mid xiiso badan .

Kooxda Man City ayaa sameesay dulaano is dabo jog ah madaama ay ka baqdin qabtay in goolka laga bareejooyo , dhinaca kale kooxda Brighton ayaa dhankeeda sameesay dadaalo badan oo ay ku dooneysay in ay isaga soo gudo gool deenta ee lagu leeyahay .

Ugu dambeen kulan ciyareedka ayaa ku dhamaaday 1-0 oo ay ku badisay kooxda Man City oo gaartay finalka tartanka FA Cup .

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Madaxey1992@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.