DHAGEYSO: Deegaano dhanka waqooyi ka xiga Baladweyne oo biyo dhaamin laga sameeyay.

DHAGEYSO: Deegaano dhanka waqooyi ka xiga Baladweyne oo biyo dhaamin laga sameeyay.

Talaado, April, 16, 2019 (HNN)– Ururka midnimada gobolka Hiiraan  ayaa deegaano dhanka waqooyi  ka xiga magaalada Baladweyne oo ay ku sugan yihiin dad dan yar ah gaarsiiyay biyo nadiif ah.

Deegannada biyo dhaaminta laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah Barbaar cad iyo dheen xaluul.

Guddoomiyaha ururka midnimada gobolka Hiiraan Cabdi muumin Cilmi ayaa sheegay in markasta ay u tagan yihiin sidii loo caawin laha dadka dhibaateysan.

Waxgaradka deegaannada biyo dhaaminta laga sameeyay ayaa ka waramaya biyaha ugu daran ee xiligan heysta.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.