DHAGEYSO: Maamulka degmada Baladweyne oo ka hadlay hakadka ku yimid howlaha garoonka diyaaradaha Ugaas khalif

DHAGEYSO: Maamulka degmada Baladweyne oo ka hadlay hakadka  ku yimid howlaha garoonka diyaaradaha Ugaas khalif

Isniin-May-13-2019(HNN) Duulimaadyadii ka soo degi jira islamarkana ka duuli jiray garoonka diyaaradaha Ugaas khalif ee magaalada Baladweyne ayaa hakad ku yimid kadib markii roobab mahiigaan ah xalay ka da,een baladweyne iyo nawaaxigeeda.

Biyo ka soo rogmaday buuraha ku hareereysan garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ayaa dhax fadhistay qeybta diyaaradaha ku ordan ee loo yaqaano ranweyga.

Garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ayaa in muddo ah heli wax dayactir ah  taasoo markasta sababta in hakad ku yimado howlaha garoonka.

Gudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamad Axmed Ibraahim Food Cadde oo u waramay Hiilnews.com ayaa sheegay in xirnaasha garoonka baladweyne ay caqabad ku tahay bulshada Baladweyne.

Inta badan marka la gaaro xilli Roobaadka ayaa waxaa hakad ku yimada howlaha garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif taasoo sameyn weyn ku yeelatay bulshada magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.