Shirkad xabaalaha qodda oo suuq la’aan soo food saartay.

Shirkad xabaalaha qodda oo suuq la’aan soo food saartay.

Isniin-May 13-2019(HNN) Shirkad xabalaha qodda ayaa sheegtay inuu dakhligeeda 2019-ka hoos u dhacay maadaamaa ay dadka dhimanaya sanadkan yaraadeen.

Shirkadda oo lagu magacaabo Dignity oo laga leeyahay dalka Britain ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadka 2019-ka inay hoos u dhacday boqolkiiba 12% ayna noqotay 159,000, marka la barbar dhigo 181,000 oo ahayd isla xilligan oo kale sanadkii la soo dhaafay.

Sidaas daraaddeed, waxay shirkaddu sheegtay inay ka cabsi qabto iney dabayaaqada sanadkan ay khasaarto £21.7m gini.

Waxayna shirkaddu sheegtay faa’idada guud ee ay shirkaddu soo xereyso ay noqon karto £3 milyan oo gini faa’idada shirkadda oo ahayd £4 milyan oo gini bilihi la soo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.