DHAGEYSO: Ardeyda Baladweyne oo loogu baaqay inay is dajiyaan

DHAGEYSO: Ardeyda Baladweyne oo loogu baaqay inay is dajiyaan

Talaaddo-May-14-2019(HNN)- Wasiiru  dowlaha wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle Abukar Xassan Abukar oo ku sugan magaalada Baladweyne islamarkan la hadlay Hiilnews.com ayaa ka dalbaday ardeyda ku nool magaalada Baladweyne yo deegaannada Hirshabeelle inay is dajiyaan, isagoo sheegay in wax kasta oo dhacday ay la qeybsanaya ardeyda Soomaaliyeed islamarkana iyagga kaligood aysan ku koobneyn.

Ardeyda  ku nool magaalada Baladweyne ayaa maanta banaanbax ka dhigay gudaha magaalada iyaggoo sheegay inay ka xun yihiin in la joojiyo imtixaanka.

Abukar Xassan Abukar ayaa tilmaamay inay ka xun yihiin sida ay wax u dheceen balse wax kasta ay ka qoran yihiin xaga alle.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle Abukar Xassan Abukar ayaa sheegay in ardeyda looga baahan yahay inaysan wax u dhimin nabad galyada islamarkana aysan burburin ganacsiyada Baladweyne.

Imtixaanka qaran oo soo bilowday 11-kii bishan ayaa ardeyda Soomaaliyeed ay galeen muddo saddex maalmood ah waxana u harsana oo kaaliya muddo labo maalmood ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.