Wararkii ugu dambeeyay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta degmada Warta Nabadda

Wararkii ugu dambeeyay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta degmada Warta Nabadda

Talaaddo-May-14-2019(HNN) Gaari nooca Noha loo yaqaan, islamarkaana laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay ilinka hore ee xarunta degmada warta nabadda.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog ayaa bur-buriyay dhamaan dhismayaasha xarunta.

Khasaara ka dhashay weerarka oo aan weli si rasmi ah loo ogeyn ayaa wararka hordhac ah  sheegayan in ay afar ruux ku geeriyoodeen.

Xarunta waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday barnaamij raashin qeybin ah oo loogu talagalay dadka masaakiinta ah, walow maanta aysan jirin cid joogtay xilliga uu qaraxa dhacayay.

Xoghayaha degmada Warta-nabada Cali Aadan Warsame ayaa la sheegayaa in uu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkii maanta.

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay mas,uuliyada weerarkaan, balse Al shabab ayaa horey u sheegatay weeraro noocaan oo kale ah oo lagu qaaday xarumah degmooyinka, Wadajir, Howlwadaag iyo Degmada Hodan.

Xigasho Mohamed Abdullahi Rooble.

Leave a Reply

Your email address will not be published.