Golaha wasiirada oo meel mariyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta

Golaha wasiirada oo meel mariyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta

Jimco-May-24-2019(HNN)- Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka.

Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka.

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa darajada safiirnimo loogu dallacsiiyay Muxidiin Maxamed Kaalmooy, Xasan Daahir Dhibil, Xasan Xundubey Jimcaale, Maxamed Isxaaq Ibraahim iyo Maxamed Cali Mire.

Leave a Reply

Your email address will not be published.