Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay dalka

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay dalka

Jimco-May-24-2019(HNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Mudane Matamela Cyril Ramaphosa oo ku martiqaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah Madaxda caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isagoona kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u kuur gelaya xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika iyo caqabadaha ku gedaaman ganacsiga ballaaran ee muwaadiniinteennu ay ku leeyihiin dalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Matamela Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxay dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu kaga qeb galayo Caleema-saarka Madaxweynaha la doortay ee dalkaas Mudane Cyril Ramaphosa. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Mudane Abdinur Mohamed Ahmed ayaa ka warbixiyay safarka Madaxweynaha.

Slået op af Villa Somalia i Fredag den 24. maj 2019

Leave a Reply

Your email address will not be published.