AL-shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobolka Gedo Qeybo Kamida

AL-shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobolka Gedo Qeybo Kamida

Wararka ka imaanaya Gobalka gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhexmaray dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Sarkaal la sheegay inuu ka goostay Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Buusaar iyo dagmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo.

Sarkaalka baxsadka ahaa ayaa ku soo wajahnaa dhinaca dagmada Ceelwaaq oo uu  doonayey inuu iska soo dhiibo. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Jubbaland.

Inta la ogyahay 2 qof ayaa ku geeriyootay dagaalka, kaasi oo la socday sarkaalka ka soo goostay Al-Shabaab.

Mudooyinkii dambe Al shabaabka ugu badan ayaa waxaa ay isku dhiibayaan ciidamada Xoogga eek u sugan Gobalka Gedo iyo deegaano kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.