Kooxda Chelsea oo ku guuleysatay Koobka Europa League

Kooxda Chelsea oo ku guuleysatay Koobka Europa League

Ciyaar xiiso badneyd ayaa xalay waxaa ay dhexmartay kooxaha Chelsea iyo Arsenal oo ka wada dhisay dalka Ingiriiska,waxaana ciyaartaas 4-1 ku guuleystay Kooxda Chelsea.

Ciyaartaas ayaa ka mid aheyd Ciyaaraha koobka Europa League,waxaana xilli ciyaareedkan 2018-19 ku guuleystay Naadiga Chelsea.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Arsenal ku kala nasteen barbaro 0-0 ah,balse qeybtii dambe markii dib la isugu soo laabtay ayaa Kooxda Chelsea,waxaa ay dhalisay ilaa 4 Gool halka Naadiga Arsenal kaliya heshay 1 Gool,waxaana  ugu dambeyn Kooxda Chelsea ayaa xaqiiqsatay inay ku guuleystay Koobka Europa League.

Leave a Reply

Your email address will not be published.