Warsaxafadeed: Hirshabeelle badbaado ayay u baahan tahay

Warsaxafadeed:  Hirshabeelle badbaado ayay u baahan tahay

Axad-June-9-2019(HNN)- Golaha Badbaadada Hirshabeelle oo ah Gole siyaasadeed oo u taagan horumarka Hirshabeelle ayaa shir ka yeeshay xaalada Hirshabeelle guud ahaan iyo tan Gobolka Hiiraan gaar ahaan waxana ka soo baxay;

1-Golaha Badbaadada Hirshabeelle  wuxuu ka xun yahay isbadalada joogtada ah ee lagu sameeyo Hogaanka Gobolka Hiiraan iyadoo tusaale ahaan mudadii Madaxweyne Maxamed Cabdi waare uu xilka hayay ay Gudoomiye-nimada isaga danbeeyeen  5 Gudoomiye Gobol iyadoo celceliska uu yahay 4-tii biloodba Gudoomiye,  halka Gobolka Sh/dhexe ee mataanaha la ah Hiiraan uu mudadaas hogaanka u hayay hal Gudoomiye.

2- Golaha  Badbaadada Hirshabeelle wuxuu dareemayaa  walaacna  ka muujinayaa isbadalladaas joogtada ah ee dul saarnaa Gudoomiyaashii Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenadoodii  iyo Canshuuraha ka yimaad Gobolka Hiiraan oo mugdi badan hareeyay sida loo maamulay,   in ay ka dhalatay caro fara badan oo ay qabaan shacabka Hiiraan, aqoonyahan kooda , siyaasiyiintooda iyo Duubabkooda taasoo sii kala fogeynaysa labada shacab ee Hiiraan iyo Sh/ dhexe, sidoo kalana halis ku ah jiritaanka Hirshabeelle.

3-Golaha badbaadada Hirshabeelle wuxuu walaac ka muujinayaa in Hogaanka Hirshabeelle uu ka sii fogaanayo danta qaranka soomaaliyeed iyo midnimada isagoo isku dayay in uu ka hor yimaado Tilmaamihii Wasaarada Arimaha Gudaha , Imtixaankii Dugsiga sare,  dhaleeceeyayna dadaalka dib u heshiisiin ee Dowladda Dhexe ka waday Galmudug, taasoo ay dheer tahay in ka horna  xiriirka Hirshabeelle iyo Dowladda dhexe ka dhigay mid aan  jiho iyo jid loogu soo hagaago aysan jirin (“Tom & Jery”).

4-Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu aaminsan yahay Mashaqada Maamul Xumo, Amaan Xumo ee ka jirta Guud ahaan Hirshabeelle in Masuuliyadeeda ay qaadayaan Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo  Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe)  oo  ka soo bixi waayay  waajibaadkii ka saarnaa Dadka iyo deegaanka Hirshabeelle  iskuna bahaystay in dantii guud ka doorteen dano gaar ah.

5-Golaha Badbaadada Hirshabeelle  wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle in ay  is casilaan aamaanada loo dhiibtayna ku soo celiyaan Golaha Barlamaanka Hirshabeelle oo wakiil ka ah Shacabka Hirshabeelle.

6-Golaha Badbaabada Hirshabeelle wuxuu ugu baaqayaa Barlamaanka Hirshabeelle inuu u istaago badbaadinta Hirshabeelle oo uu guto waajibka Dastuuriga ah ee gaarka ah ee saran   oo uu ku xisaabiyo  Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa fashilka hogaamineed mudadii ay xilka hayeen.

7-Golaha Badbaadada Hirshabeelle wuxuu ugu baaqayaa Duubabka iyo Siyaasyiinta Hirshabeelle heer Maamul Goboleed iyo heer Federaal  in ay u istaagaan  sidii loo badbaadin lahaa Hirshabeelle loona  heli lahaa Hogaan kale oo  mideeya shacabka, kana shaqeeeya hormarinta dadka iyo deegaanka Hirshabeelle.

8-Golaha Badbaada Hirshabeelle wuxuu aaminsan yahay masuuliyad dastuuri iyo mid hogaamineed in uu ka saran yahay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Kheyre  badbaadinta Hirshabelle .

 

Dhamaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.