madaxweyne kuxigeenka Puntland oo lala goostay Gaari ciidan

madaxweyne kuxigeenka Puntland oo lala goostay Gaari ciidan

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in gaari Ciidan oo uu leeyahay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ay la goosteen Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Ciidanka Gaariga la goostay ayaa la sheegay in ay tirsanaayeen Ilaaladda Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, islamarkaana lasoo galeen dhanka maamulka Somaliland.

Kooxda Gaariga la goosatay ayaa gaaray degaanka Xudun ee gobolka Sool oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Somaliland, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Ciidanka Somaliland.

Dhawan ayay aheyd markii Ciidan kasoo goostay Somaliland oo hubkooda wata ay gaareen degaano ka mid ah maamulka Puntland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.