Dagaal Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Gobolka Baay

Dagaal  Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Gobolka Baay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar isugu jiray Qaraxyo iyo mid ah toos ahaa oo lagu qaaday Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiyaan ah,kaasi oo ka dhacay Gobolka Baay.

Weerarka hore oo ahaa qarax miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah,kaasi oo ka dhacay wadada xiriirisa Magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas,waxaana ku dhintay 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed,halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo saarnaa gaari nooca dagaalka ah uu haleelay qaraxa.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in qaraxaas uu ku geeriyooday Sarkaal ka tirsan Koonfur Galbeed oo saarnaa gaariga uu qaraxa qabsaday,waxaana magaciisa lagu sheegay Axmed Dheere.

Sidoo kale Ciidamo Itoobiyaan oo ku socdaalayay duleedka degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday weerar dhabo ahaa,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamada,iyadoo intaasi ka dibna uu dagaal xoogan dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada weerarka lagu qaaday.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyadda weeraradaas ka dhacay Gobolka Baay,iyagoo sheegay in ay ku dileen Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaan ee  qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.