Eedeyn loo jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle

Eedeyn loo jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle

wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamulka Hir-Shabeelle ahna Xildhibaan ka tirsan Maamulkaas Sheekh Abuukar Cali Xasan (Maqaneey) ayaa Eedeyn kulul waxa uu u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.

Shir jaraa’id uu ku qabtay Jowhar ayuu sheegay in Guddoomiye Cusmaan Barre uu sifo sharci darro ah uu ku hakiyay kulamadii Baarlamaanka,isla markaana uu gabay Shaqadii loo igmaday.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddoomiye Cusmaan Barre ooo haatan Muqdisho u joogo dhoolatus Siyaasadeed,isla markaana Madaxda dowladda uu kula heshiiyay ridida Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barri Maxamed ayaa haatan ku sugan Magalada Muqdisho,waxaana ilaa iyo hadda uusan ka jawaabin eedeyn loo jeediyay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.