Dowlada Itoobiya oo u baroordiiqeysa saraakiishii laga dilay

Dowlada Itoobiya oo u baroordiiqeysa saraakiishii laga dilay

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Maalin baroordiiq ah loo sameynayo madaxdii Maalin ka hor lagu dilay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalkaasi Itoobiya.

Madaxda Afgebiga dhicisoobay lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Ciidamada Federaalka Itoobiya Gen Seare Mekonnen & Madaxweynihii Gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen  iyo saraakiil kale,kuwaas oo ay toogteen ilaaladooda xilli ay doonayeen inay ka hortagaan afgembiga.

Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday shacabka Itoobiya inay nabadda ku dadaalaan isla markaasna ay ka hortaggaan qalalaase kasta oo dhici kara.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in taliyaha ciidamada ay soo weerareen qolo uu ku tilmaamay  calooshood u shaqaysteyaal,isaga oo ugu baaqay Ciidamada Federaalka Itoobiya inay dalkooda ilaashadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.